Taliska Ciidanka Xoogga oo ay sheegay inay fashiliyeen Miinooyin la aasay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaanka Siirka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday waxaa ay ku fashiliyeen Miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda, kuwaasi oo Ciidanka ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateyso shacabka isticmaala wadada Siinka dheer.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Genaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka ay howlgalka Miinooyinka lagu soo saaray ay ka sameeyeen deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Genaraal Odawaa ayaa waxaa uu sheegay in miinooyinka ay wadada ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay Ciidanka Xoogga soo saareen waa sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalkaas miinooyinka lagu saaray ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Ciidamo ka tirsan dowladda Qarax xoogan lagula eegtay deegaanka Siinka dheer, waxaana Ciidanka qaraxaas kasoo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Comments
Loading...