Taliska Ciidanka DDS oo shaaciyey khasaaro ay sheegeen inay u geysteen Al-shabaab

Taliska Ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahino dheeraad ah ka bixiyey dagaaladii todobaadyadii lasoo dhaafay dhexmarayey Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo ka dhacay degaano ku yaalla Bakool iyo kuwa ka tirsan DDS.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlada deegaanka Soomaalida Jeneraal Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in khasaaro farabadan ay gaarsiiyeen Shabaabka, isla markaana ay ka qabteen xubno nool oo kamid ahaa Al-shabaab.

Jeneraal Maxamed Axmed ayaa sheegay inay Al-shabaab dagaaladii ay la galeen uga dileen in ka badan 800 oo dagaalyahannadooda ah oo ay ku jiraan 24 Saraakiil sare sare ah, ayna qabteen xubno 92 gaaraya qof waa siduu hadalka u dhigaye  Jeneraalka.

Al-shabaab ayaa dhankooda horey u sheegtay inay in ka badan 150 Askari oo kamid ah Ciidanka Liyuu Boolis ku dileen dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka Caato ee Gobolka Bakool, iyagoona Shabaabka soo bandhigay Meydadka Askarta ay laayeen.

Hadalka Taliye Maxamed Axmed ayaa ku soo aaday, iyada oo maalmo kahor Sheekh Fu’aad Maxamed Shalaf Shongole uu beeniyey inay dishay Itoobiya, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dhaca xadka gaar ahaan deegaanka Caato ee Gobolka Bakool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor