Taliska Ciidanka booliska oo soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo soo qabtay

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay walxaha qarxa iyo rag loo haysto in ay farsameynayeen walxahaasi qaraxa, kuwaasi oo Saraakiishu sheegeen in ay howlgal kusoo qabteen.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Aadan Doodisho ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Amniga ka fuliyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar qof oo loo heysto falal Argagixiso iyo walxaha qarxa oo ay diyaarinayeen, kuwaasi oo iminka ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor