Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo amaro culus soo saaray

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aaddan ammaanka iyo hubka sharci darrada ah.

Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa amar ka soo saaray hubka sharci darada ah ee lagu dhex wato magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaasi, waxaana talisku sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid waliba oo ku xad gudubtay amarkooda.

Korneel Xasan Dhicisoow Xasan oo ah Taliska Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle, oo warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Jowhar ayaa shaaciyay Awaamiirta culus ee ay soo rogeen, waxaana uu intaa ku daray in aan loo dulqadan doonin dadka sida sharci darrada ah Magaalada Hubka ugu dhex wata.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor