Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in xalay hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaqa jugta xooggan ee tiro dhowr jeer ah oo ay maqleen qaar ka mid ah dadka ku nool Muqdisho uu ahaa baco waaweyn oo la dhigay meelo kala duwan. Booliisku waxay caddeeyeen inaanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadaas, iyadoo jugta laga maqlay bacaha kaliya ay waxyeello ka soo gaartay guryo jiingado ka sameysan oo ay bacaha ku dhawaadeen.
Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu yiri, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay yihiin baco waaweyn oo la dhigay dhowr goobood oo kala duwan. Khawaarijta, cadawga ummadda Soomaaliyeed, ayaa mas’uul ka ah bacahaas, balse wax khasaare nafeed ah ma jiraan, marka laga reebo waxyeello soo gaartay guryo jiingado ah.”
Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan, 5-tii September, tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Weerarkaas ayaa sababay dhaawaca laba ruux oo shacab ah.
Inkastoo Taliska Booliisku uu beeniyay hoobiyeyaasha xalay, haddana cabsi ayaa wali ka taagan Muqdisho, gaar ahaan xaaladda amniga, iyadoo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay marar badan weerarro ku qaadeen caasimadda.