Taliska Booliska qeybta gobolka Bari oo ka hadley Weerarkii Xabsiga Boosaaso

Taliyaha Booliska qaybta Gobalka Bari ee magaalada Boosaaso Xuseen Cali Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay Weerar xalay lagu qaaday Xabsiga Wayn ee Boosaaso ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe la soo afjaray weerarkii ee ay soo qaadeen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Khasaaraha dhanka ciidanka hal askari kaga dhintay labo kalena ay kaga dhawacmeen, sidoo kale waxaa intaas uu ku daray in Al-shabaab ay ka qabteen Maxaabiis.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa saakay degan gaar ahaan Xabsiga weyn oo xalay weerarka uu ka dhacay.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarka xalay lagu qaaday Xabsiga magaalada Boosaaso, iyagoo sheegya in ay xoog ku sii daayeen maxaabiistii Xabsiga ku xirneyd, Qoraal ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ay gubeen 4-gaari oo ay lahaayeen ciidamada Puntland, islamarkaana ay sii daayeen Afar boqol oo ku xirneyd xabsiga kuwaas oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor