Taliska Booliska Puntland oo Maanta Amar hor leh soo saaray

Taliska Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta soo saaray Amar hor leh oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Amarka uu ku socdaa gaadiidleyda ka howlgasha Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu mamnuucay isku socodka gaadiidka u kala goosha Gobolada iyo Degmooyinka ka tirsan Puntland sababo la xiriira faafida Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Qoraalka Taliye ku-xigeenka Booliska Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali ayaa waxaa Taliyeyaasha Booliska Degmooyinka Puntland lagu faray inay si deg deg ah u dhaqan geliyaan Amarka lagu joojiyay gaadiidka isaga kala goosha deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn Darawada iyo maamulayaasha gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa faray inay u hogaansamaan Amarka lasoo saaray, iyadoona la xusay in cidii fulin weyda Amarka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Maamualka Puntland ayaa wada dadaalo xoogan oo looga hortegayo faafida Cudurka Coronavirus, waxaana Puntland joojiyay wax kasto oo ay u aragtay inay keeni karaa faafida Cudurka COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media