Taliska Booliska oo ka hadlay Dilkii loo geystay Odey da’ah

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Dil Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya uu shalay Nin Odey ahaa uu ugu geystay Isgoysk Ceel-gaabta ee Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Askariga dilka geystay uu xiran yahay, isla markaana ay ku socdaan baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka uu fuliyay.

Sidoo kalen Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Askarigaas dilay Ninka Odeyga oo goob yar oo Ganacsi ku lahaa Isgoyska Ceel-gaabta la horgeyn doono Cadaalada, hayeeshee haatan baaris lagu wado sidii uu falka u dhacay.

“Askarigii dilka ugu geystay isgooyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho Muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa Ciidanka Boliisku gacanta ku dhigeen, kiiskaas Waxaa ku socda baaris, wuxuuna wajahayaa Cadaalada” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dilka loo geystay Ninka Odeyga ahaa ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Askariga uu Ninka ka dalbaday inuu siiyo xabad sigaar ah, balse laga diiday Codsigiisa, intaas kadibna uu rasaas ku furay, isagoo goobta ku geeriyooday Odeyga.

Ilaaladda Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Askariga xili uu doonayay inuu goobta ka baxsado, kaasi oo lagu xiray Saldhig Booliska Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media