Taliska Booliska Nugaal oo Maanta goob fagaare ah ku gubay maandooriye farabadan

Taliska qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa gubay Khamri iyo Xashiish tiro badan oo Maxkamadda Garoowe horay u xukuntay.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Guddomiyaha Gobolka oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee Gobolka iyo Culimada Magaladda ayaa meel fagaaro ah ku burburiyay khamriga gaaraya 100 dhaloo oo DRY GIN iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee Calaqda loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan.

Taliyaha qaybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar ka mida sidii Hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo halka kuwo kalana gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali ayaa sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha, wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

Taliyaha qaybta booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor