Taliska Booliska  Buule-burde oo war kasoo saaray howlgal ay fuliyeen 

Taliska Booliska degmada  Buule-burte  ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sameeyeen howl gallo ammaanka lagu xaqiijinayo oo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Taliyaha Saldhigga Booliska degmada  Buule-burte Dhamme Cabdi Maxamed Cali ayaa sheegay in howl haladaas ay kusoo qab- qabteen dad looga shakiyay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxana uu sheegay in ay wadan baaritaanno ay ku wadaan dadka lasoo qabtay.

Taliyaha ayaa sheegay in degmada ay ka dhaceen falal ammaanka lid ku ah, kuwaas oo dhawaanahaan ka dhacay degmada.

Booliska ayuu sheegay in ay wadan howl gallo ballaaran oo ay ku raad joogaan kooxo uu sheegay in ay falal kala duwan ay ka gaysteen degmada, waxaana uu sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan dad looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falalkaas ka dhacay degmada Buule-burte ee Gobolka Hiiraan.

Degaanno iyo degmooyin ka tirsan hiiraan ayaa waxaa ka dhaca falal amaanka lid ku ah, waxana mararka qaar Al-shabaab ay ka fuliyaan weeraro toos ah iyo qaraxyo, waxaana maamulka iyo saraakiisha ciidanka Dowladda ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan falalka ka dhac degmooyinka iyo degaanada Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media