War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciiddanka Afrikaanka ee Hawlgalka AMISOM ayaa lagu muujiyey Raalli-gelin ku aadan Fal ay Ciiddankaasi Arbacadii la soo dhaafay ku dileen Muwaadin Somali ah, kuna dhaawaceen 2 kale meel ku dhow Xero ay AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Toogashadaasi dhacday Arbacadii la soo dhaafay,. Kadib, markii gaari ay la socdeen Qandaraaslayaal Rayid ah lagu joojiyey Xeradda, si loogu sameeyo baaritaan.
Qoraalka ayaa lagu xusay inuu mid ka mid ah Askarta waday baaritaan uu si kedis ah u toogtay Qandaraaslayaasha watay gaariga, waxaana halkaasi ku geeriyooday Dareewalkii, halka labo kalena lagu dhaawacay.
Taliska AMISOM waxay sheegeen inay Toogashadaasi tahay dhacdo nasiib-xumo leh, isla markaana la baarayo shilkaasi, waa sida lagu xusay Qoraalka, wacx
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka AMISOM dilaan Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana jirta in bilowgii bishan ay Ciiddanka AMISOM 6 qof oo rayid ahaa ku dileen duleedka Degmadda Afgooye.
Sidoo kale, dhamaadkii bishii June ee sanndkan. Ciiddanka Ethiopianka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay 14 qof oo Rayid ahaa ku dileen duleedka magaalladda Baydhabo.
Baaritaan ay bishii July sameeyeen AMISOM waxay ku sheegeen inay dadkaasi lagu dilay is-rasaasayn dhex martay Ciiddanka Ethiopianka iyo Xarakadda Alshabaab.
Balse, Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Ciiddanka Ethiopia toogteenb rayiddkaasi, xilli ay u diyaar garoobayeen inay Salaad tukadaan.
Sidoo kale, Ciiddanka AMISOM waxay bishii April toogteen 4 qof oo rayid ah oo ay AMISOM sheetgtay inay si qalad ah u toogteen, kadib, markii ay dadkaasi uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay inta badan AMISOMqiilka ka dhigtaan.
©Radio Dalsan