Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu qabtay dalka Zambia

Ciiddanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee  dalka Zambia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Tobaneeyo Somali ah, kuwaasi oo badankooda lagu qabtay iyagoo watay Aqoonsiyo Jinsiyaddo kala duwan.

Wargeyska Times of Zambia ayaa qoray inay Saraakiisha Waaxda Socdaalka gacanta ku dhigeen 9 Somali ah oo ku sugnaa Deegaanka Nadeke ee Gobalka Nadola ee dalkaasi.

Sarkaalka Waaxda Socdaalka Zambia ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, Namaati Nashinka ayaa u sheegay Wargeyska Times of Zambia in lix ka mid ah Soomaalida ay qabteen haysteen Aqoonsiyadda Muwaadinimadda iyo Dukumentiyadda dalalka Somalia, Tanzania iyo Mosambique.

 Dhinaca kale, Boliska dalka Zambia waxay kaloo sheegeen inay gacanta ku dhigeen Muwaadin Somali ah oo watay Baasaboor South African la been abuuray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor