Tahriibayaal la jir-dilay iyo kuwo lagu la’ yahay Xeebaha Liibiya

Ilaaladda ayaa la sheegay inay ulo ku garaaceen ku-dhawaad 150 Tahriibayaal la socday dooni ku sii jeeday dalka Talyaaniga, taasi oo keentay inay Tahriibayaasha badankooda isku tuuraan Badda.

Koox Samafal oo ka socota dalka Jarmalka, laguna  magaacabo Sea Watch ayaa sheegtay inay ugu yaraan 4 Tahriibayaal ku hafteen Badda, isla markaana ay soo badbaadiyeen ku-dhawaad 120-kale.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Ciiddabnka Badda Libya ayaa sheegay inaysan maqlin warar ku aadan Shilkaasi.

Afhayeen kale oo u hadlay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa sheegay in inta badan Tahriibayaasha la soo badbaadiyey ka soo jeedaan Dalalka ka hooseeya Lama-degaan u-ekaha Qaaradda Afrika.

Ciiddanka Ilaaladda Talyaaniga iyo Kooxaha Gurmadka waxay tan iyo Axadii hore soo badbaadiyeen 5,500 oo qof

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor