Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo laga soo badbaadiyey Xeebaha Libya.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Libya Prospect, Ku-dhawaad 900 Tahriibayaal ayaa laga soo badbaadiyey meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi ayaa sheegay in inta badan Tahriibayaashaasi laga soo badbaadiyey labo dooni oo alwaax ah oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Tahriibayaasha la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Eritrea, Syria, Pakistan iyo Bangaladesh.

Sidoo kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo heleen maydadka 11-Tahriibayaal ah oo ku soo caariyey  Xeebta Hay Al-andulus oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee  Tripoli.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga ayaa sheegtay inay sannadkii 2016-kii soo gaareen Tahriibayaal ay tiradoodu dhan tahay 180,300 oo qof.

QM ayaa iyadana soo werisay inay 6,000 oo Tahriibayaal ah naftooda ku waayeen badda Mediterranean-ka ee u dhexeysa Xeebaha Libya iyo Talyaaniga.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor