HomeWararTahriibayaal ay Somali ku jireen oo ka badbaaday dooni ku qalibantay Xeebaha...

Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo ka badbaaday dooni ku qalibantay Xeebaha Tunisia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Shan qof ayaa geeriyootay, 49 kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii ay dooni waday Tahriibayaal ku qalibantay Xeebaha Bariga ee dalka Tunisia. Doonidaasi oo ka shiraacatay Dekedda Degmadda Monastir, ayaa la sheegay inay cillad la kulantay, xilli ay ku sii jeedeen Jesiiradda Lampedusa, oo masaafo ahaan 160-Km u jirta Dekedda Monastir ee Tunisia. Sarkaal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shan qof ayaa geeriyootay, 49 kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii ay dooni waday Tahriibayaal ku qalibantay Xeebaha Bariga ee dalka Tunisia.

Doonidaasi oo ka shiraacatay Dekedda Degmadda Monastir, ayaa la sheegay inay cillad la kulantay, xilli ay ku sii jeedeen Jesiiradda Lampedusa, oo masaafo ahaan 160-Km u jirta Dekedda Monastir ee Tunisia.

- Advertisement -

Sarkaal u hadlay Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay soo badbaadiyeen 49-Tahriibayaal u kala dhalatay dalalka Somalia, Eritrea, Sudan, Masar iyo Syria.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ka ambabaxa Xeebaha dalka Tunisia ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo inta badan Tahriibayaasha ku sugnaa dalka Libya ka soo carareen, kuna sugan yihiin dalka Tunisia.

Toddbaadkii hore ayey Maleeshiyadda Dowladda Libya ee aan Aqoonsiga Calaamiga haysanin bilaabeen Hawlgal ay ku raafayeen Tahriibayaasha shisheeyaha, oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ee qorsheynayey inay raacaan doonyaha ku sii jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Xigasho:- www.middleeasteye.net

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts