Tababarihii Kooxda Manchester United oo Shaqada laga eryey

José Mourinho  ayaa la sheegay in maanta laga ruqseeyey xilkii Tababrenimo ee Kooxdaasi, kadib, guul-daradii ay Kooxdu kala kulmay Kulankii ay Kooxda Liverpool la yeesheen Axadii la soo dhaafay.

Xil-ka-qaadistiisa waxay soo af-jartay muddadii uu Tababaraha u ahaa  Kooxda oo so obilaabantay bishii May ee sannadkii 2016-kii.

Bilow liita ayeyna Kooxda K/Cagta ee Manchester United ku bilowday Tartanka Xilligan ee  Kooxaha K/Cagta ee ka qyb qaadanayo Premier League, waxyna Man United 19 dhibcood ka hooseeysa Liverpool oo Tartanka hoggaaminayso, iyadoo Man  United hoos uga dhacday Hankeeda ahaa inay kaalimaha  4-ta ugu sarreysa Tartankaasi.

Kooxdu waxay ku guuleysatay Hal mar oo ka mid ah 6-dii ciyaar ee ay ilaa iyo haatan dheeleen.

Qoraal maanta ka soo baxay Madaxda Naadiga Man United ayaa lagu sheegay in Jose Mourinho ka tegay Kooxda ay waxyeello degdeg ah jirto.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inuu Naadigu jecel yahay inay u mahad celiyaan Macallin José Mourinho shaqadii uu qabtay muddadii uu la soo joogay Kooxda Man United, waxayna u rajeeyeen Guul mustaqbalkasoo socda.

Qoraalka Naadiga Man United waxay ku sheegeen inay magacaabi doonaan Tababare KMG oo hawsha sii wada inta uu ka dhamaaanayo Xilli-ciyaareedka haatan socda, isla markaana uu socda dadaal lagu raadinayo Tababare cusub oo xilli buuxa ah.

Si katsaba ha ahaatee, Xiriirka u dhexeeyey Tababare José Mourinho  iyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Fulinta ee Kooxda Man United, Ed Woodward ayaa  u muuqday mdi aad u xun, kadib, markii uusan Naadigu saxiixin Difaaca Dhexe ee Xilligan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor