Tababare u dhashay Tunisia oo laylin doona Naadiga K/Cagta ee Mogadishu City Club

Munaasbaad lagu soo dhaweynayo Tababaraha cusub ee Naadiga K/Cagta ee Mogadishu City Club, Mestiri Maxamed  Lamjed ayaa waxaa maanta lagu qabtay Graoonka Ex-munushiibiyo oo ku yaalla Xaafadda Xararyaale ee Degmadda Warta Nabadda ee magaalladdan Muqdisho.

Guddoomiyaha Naadiga Mogadishu City Club, Abuukar Maxamed Sheekh oo ka hadlay Munaasbaadaasi waxa uu faahfaahin ka bixiyey Taariikhda Naadigaas ee ku ciyaara magaca Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Wuxuuna xusay inay ku faraxsan yihiin in Tababare cusub loo keeno Naadiga, kadib, markii uu Tababarihi ihore ee u dhashay dalka Uganda ee Kooxda Laylin jirey uu xilligii Heshiiska ka dhamaaday.

Guddoomiyaha Naadiga Mogadishu City Club waxa kale oo uu ka hadlay Diyaar-garowga Kooxda iyo Tartamaha Gudaha iyo Dibedda ee ku soo fool leh, wuxuuna Ciyaartoyda ku booriyey inay ka faa’ideystaan Khibradda Tababaraha cusub, isla markaana ay u diyaar garoobaan Tartamada ku soo fool leh, gaar ahaan Tartanka Koobka confederation-ka ee Qaaradda  Afrika ee  “The CAF Confederation Cup”.

dhinaca kale, Tababaraha cusub ee Naadiga Mogadishu City Club, Mestiri Maxamed  Lamjed waxa uu ka mahad celiyey Soo-dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna xusay inuu culayska saari doono sidii ay Kooxda u noqon lahayd Koox magac weyn ku dhex leh Naadiyadda Somalia iyo kuwa Heerka Caalamiga.

Si kastaba ha ahaatee, Tbaabaraha Cusub ee Naadiga Mogadishu City Club waxa  muddo hal sanno ah laylin doonaa Kooxda Mogadishu City Club oo ka mid ah Kooxaha ugu awoodda badan Naadiyadda K/cagta ee ka dhisan dalkeenna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media