Taalibaan oo haweenka ka mamnuucday waxbarashada Jaamacadaha

Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasoo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

In kasta oo ay ballanqaadeen xukun ka jilicsan kii 20 sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indhatiraya carada caalamiga ah.

“Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Afhayeenka wasaaradda, Ziaullah Hashimi, oo warqadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray AFP ku xaqiijiyay amarkan.

Washington ayaa ‘si adag’ u cambaaraysay go’aankan.

“Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka Afghanistan ku sugan. “Go’aankani wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa Taliban,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor