Taageerayaasha Musharax Madaxweyne Farmaajo oo u diyaar garoobayo inay ku soo dhaweeyaan Muqdisho.

Taageerayaasha Musharaxaasi waxay maanta magaalladda Muqdisho.ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo munaasabadda lagu soo dhaweyn doono.

Gawaari fara badan oo Samaacado waa weyn lagurakibay ayaana lagu arkayey Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho, waxaana dadka loogu baaqayey inay si wadajir ah uga soo qeyb galaan Soo-dhaweynta Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Siyaasi magac iyo maamuus ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed.

Guddiga Ololaha Doorashadda Musharaxaasi ayaa sheegay inuu Farmaajo maalinta Talaadada ku soo beegan yahay magaalladda Muqdisho, si uu ugu diyaar-garoobo Doorashadda Madaxtinimadda oo la shaaciyey inay dhici doonto bishan December 28-da.

Taageerayaasha Musharax Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay dhigaan Dibadbaxyo ay ku soo dhaweynayaan, mana kala cadda inay Ciiddanka Ammaanka oggolaan doonaan Isku-soo-baxaasi lagu soo dhaweynayo Farmaajo.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa horey u mamnuucay Dibadbaxyadda lagu soo dhaweynayo Musharixiinta Madaxtinimadda sababo dhinaca Ammaanka, iyagoo sheegay inay go’aankaasi u qaateen si uusan Ammaanka faraha uga bixin.

Dhinaca kale, Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haysta Dhalashadda dalka Maraykanka, waxa uu mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Waxa Xilkaasi loo magacaabay bishii October 31-dii ee sanadkii 2010-kii, wuxuuna iska casilay  bishii June 19-dii ee sannadkii 2011-kii.

Muddadii uu xilkaasi hayey waxa uu kasbaday Taageeradda Dadweynaha, gaar ahaan Ciiddamadda, oo iyagu qirsan inuu Maxamed C/llaahi Farmaajo ahaa Mas’uul galaangal badan u galay Xuquuqda Ciiddamadda.

Si kastaba ha haatee, waa markii Labaad ee Siyaasiga Maxamed C/llahi Farmaajo isku soo taago Xilka Madaxtinimadda dalka Somalia, wuxuuna horey isugu soo taagay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dhacday sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor