Taageerayaal u dabaal-degaya guusha taariikhiga ah ee Karaan ayaa xalay si ballaaran isugu soo baxay wadooyinka iyo xarunta degmada, iyagoo muujinaya farxadooda iyo taageerada ay u hayaan kooxdooda. Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, oo ay ku jiraan guddoomiyaha degmada iyo marti sharaf kale.
Ciyaartooydii guusha u soo hoyay degmada Karaan ayaa si gaar ah loo maamuusay, waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo bogaadin gaar ah. Macalimiinta iyo tababarayaasha kooxda, oo door muhiim ah ka ciyaaray guushaan taariikhiga ah, ayaa si gaar ah loogu amaanay shaqadooda adag iyo hogaamintooda guusha horseeday.
Kooxda Karaan ayaa shalay galab cayaar adag la yeeshay degmada Gubadley, oo ah degmo ka tirsan Gobolka Dhawan, waxaana ay kaga badiyeen 2-0. Natiijadaasi ayaa u sahashay in ay hantaan koobkii ay ugu dambeysay 40 sano ka hor, taas oo ahayd guul weyn oo soo nooleysay rajadii iyo sharafkii degmada Karaan ee dhinaca ciyaaraha.