Sweden: Tirada dadka Soomaalida ugu geeriyootay COVID-19 oo korortay

In ka badan 7 ruux oo Soomaali ah ayaa dalka Sweden ugu geeriyooday Cudurka haliska ee Coronavirus, iyagoona kamid ahaa 30 ruux oo uu Cudurka ugu geeriyooday dalkaas xili uu ku dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Dadkaas Soomaalida ah ee u geeriyooday Coronavirus ayaa kunoolaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, sida uu laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay Wariye Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ku sugan dalkaas.

Telefishinka Sweden ee SVT oo soo xiganaya ururka iskutaga dhaqaatiirta ayaa habeen hore baahiyay in lix ruux oo Soomaali ah Coronavirus ugu geeriyoodeen Sweden, waxaana haatan dhimashada dadka Soomaalida la sheegay inay gaartay 9 ruux.

Arrintan ayeey kooxdani sheegeen in ey ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xoog buuxda oo cudurkan la xirriira markii uu dalka ku faafay, dadkuna ay caadi u dhaqmayeen, waxaana dadkaas la tilmaamay inay ahaayeen dad cuduro horey u qabay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media