Sweden oo taageero hor leh u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Qorshaynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Wafdi ka socday dowladda Sweden oo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya dalka Mr. Per Lindgärde.

Wasiir Jamaal Maxamed iyo Wafdiga ka socday dowladda Sweden oo uu hoggaaminayay Safiir Mr. Per Lindgärde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka horumarineed ee labada dal, dhinacyada Amniga, Haweenka, Dhallinyarada iyo dhaqaalaha, iyada oo loo marayo Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ-9).

Danjiraha Sweden ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in taageeridda joogtada ah ee Sweden ee ku aaddan Horumarinta Soomaaliya la dar-dargalin doono, wuxuuna ballan qaaday inuu xoojin doono qaybaha kale sida amniga, doorashooyinka iyo Arrimaha muhiimka ee ku xusan Qorshaha horumarinta Qaranka.

Wafdi ka socday dowladda Sweden oo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya dalka Mr. Per Lindgärde ayaa waxaa Petra Smitmanis Dry oo ah Madaxa hay’ada horumarinta Iskaashiga Caalamiga Sweden ee loo soo gaabiyo (SIDA ), iyo Kormeerayaal ka socday Wasaaradda Arimaha Dibada dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor