Suxufiyiin iyo Milkiilayaal Warbaahineed oo lagu xiray dalka Ivory Coast.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi ayaa sheegay in la xiray 6 Saxafi iyo 3 Milkiile Warbaahineed, kadib markii ay Wargeysyadooda ku qoreen Warar been ah oo ku aadan inay Ciiddanka Qaranka kacdoon sameeyeen.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka ugu tababarka wanaagsan dalkaasi sameeyeen gadood ku aadan Mushaar La’aan.

Ciiddankaasi waxay gadood ka sameeyeen Saldhigooda oo ku yaalla Degmadda Adiake oo 90-KM u jirta caasimadda dalkaasi ee Abidjan.

Tifaftirayaasha iyo Milkiilayaaha Wargeysyadda  madaxa bannaan ee Inter iyo SoirInfo, Le Temps iyo Notre Vole  ayaa lagu wada xiray Saldhig Bolis oo ku yaalla caasimadda dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media