Suuqa degmada Walaweyn oo Maanta xiran iyo dagaal beeleedyo ka socda

Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow dagaal Goos goos ah uu ka bilaawday degmadaasi walaweyn.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Gudaha degmada walaweyn,isla markaana uu saameyn ku yeeshay isku-socodka dadweynaha.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu yahay mid ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay tuulooyin hoostaga degmada Walaweyn balse uu maanta ka bilaawday gudaha degmada walawyen.

Dadka ku nool degmada Walaweyn ayaa waxaa ay Radio Dalsan u sheegeen in Suuqa degmadaas uu Maanta xiran yahay,isla markaana goobaha Ganacsiga ay xiran yihiin.

Wararka ku soo kordha Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor