• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya Oo u Baroordiiqaysa Caalimkii Xalay Xijaabtay

Geerida Sheekh Cusmaan Xidig waxa ay gilgishay Wadanka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 20, 2024
in Warar, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
Soomaaliya Oo u Baroordiiqaysa Caalimkii Xalay Xijaabtay
97
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dalsan Media – Muqdisho: Kumannaan qof oo wanaag u rajaynayay ayaa kor u qaaday naxashka uu ku jiray maydka caalimkii qarnigan Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud, oo loo yaqiinnay ‘Sheekh Cusmaan Xidig‘. Waxa ay u sii wadeen xabaalaha si ay u ridaan waajib qayb-gudaay ah, ama fardu kifaayo ah – waa in la bud dhigo marxuumiinta.

In ka badan nus qarni oo uu ahaa mid u go’ay fidinta diinta Islaamka ee dariiqiga ah ayey ajashu u timid habeenkii Sabtida soo galaysay isagoo ku sugan hoygiisa oo ku yaalla Muqdisho.

Mashaacir gaar ah ayaa lagu sagootiyay wadaadka oo ay duugtiisa soo xaadireen dad isaga kala yimid dalka iyo dibadda. Kuwo badanna ay qalbiga kala joogeen kadib markii duruufaha u diideen inay galbiyaan caalimka rabbigiisa looga rajeynayo in uu ku gallado naxariistiisa ay Jannadu ugu sarrayso ee Sheekh Xidig.

Kumannaan qof oo u taagan sagootinta Maydka

Dadka ehlu dariiqada ah ee aaska joogay waxa ay soo lugeeyeen dhowr kiilo mitir xilli cadceeddu bartanka joogto, si ay u soo gaaraan halka ay ka dhacaysay munaasibadda aaska Sheekha, oo ahayd waaxda Wajeer, degmada Kaaraan ee bariga caasimadda Soomaaliya.

“Taariikhdiisa in laga sheekeyo, oo la tacriifiyo waa ay ka dhan tahay, sababtoo ah waa la wada yaqaannay – diin fidin ayaa lagu yaqiinnay, ilaahey ha u naxariisto” ayuu yiri mufasirka caanka ah ee Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif, isagoo ku dhow in ilmadu soo dhaafto murugo awgeed.

Waxa uu sheegay in wadaadku u go’ay u adeegidda diinta ilaahey, oo uu soo saaray mudarisiin nuuriyay cilmiga.

Sheekh Bukhaari, oo ka mid ah culamada dariiqigi ah ee joogay aaska ayaa sheegay in uu Sheekh Cusmaan ahaa caalim diinta u go’ay.

“Waxa aan seddex jeer ka soo dhunkaday wejiga anigoo wakiil idinka ah” ayuu u sheegay jamaaco hareerihiisa joogtay si uu ugu laab qaboojiyo.

Maadaama uu Sheekhu ku xeeldheeraaday funuunta kala duwan waxa uu noqday caalim afka carabiga ah, taasoo u u sahashay in uu qoro 19 kutub ama ka badan. Kutubtaasi waxa ay xoojin u noqdeen barashada culuumta diiniga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geerida Sheekha, waxa ayna ku sifaysay wadaad saahid ah – u go’ay xagga rabbi.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, MD. Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Cusmaan Xidig oo sanadkii 1942 – (Ku-dhawaad bartamaha qarnigii 20 aad) -ku dhashay magaalada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud ayaa waxa dadka yaqaanna sheegeen in uu da’aadda 10 jirka ku xifidiyay Qur’aanka Kariimka ah. Kadibna uu durbadiiba u dhaqaaqay raacashada kutubka funuunta kala duwan ah. Isagoo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo u xeraystay si uu u soo kororsado culuumta fiqhiga.

Qareenka xerowga ah ee Abuukaate Dudaaye oo warbaahinta la hadlay, waxa uu dhimashada Sheekha ku sifeeyay ‘Musiibo weyn’ laakin la wada dhadhaminayo.

Madaxda hadda xilalka haya, kuwa hore, siyaasiyiinta iyo samajeclayaasha ayaa ka murugooday xijaabashada caalimka, oo ay si isku mid ah ugu sifeeyeen mid noociisu naadir ku ahaa casrigan.

Allaha u naxariisto.

default
default
default
default

 

Previous Post

Somalia Mourns the Death of Renowned Cleric

Next Post

Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post
Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Go'aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00