Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ka sheegay Furitaanka Shirweynaha 5-aad ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya oo maanta ka furmay caasimadda dalkaasi ee Mosko.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Carabta saaxiibo muhiim la yihiin Dowladda Raashiya, isla markaana ay weligooda sii ahaan doonaan saaxiibo Istaraatiji.
Waxa uu intaasi ku daray in Kulanka Madasha Iskaashiga ee Carabta iyo Raashiya muhiim u yahay sidii loo xaqiijin lahaa dhamaan iskaashiga labada dhinac.
Wasiir Cawad waxa kale oo uu ka hadlay Qaddiyadda Reer Falastiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhamaan danaha dalalka Carbeed ku jirto in xal dhamaystiran loo helo Arrinta Reer Falastiin.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Xaaladaha colaadeed ee ka aloosan dalka Syria, isagoo sheegay in Xalka Siyaasadeed yahay xalka keliya ee wax looga qaban karo Xiisadda dalkaasi.
Dhinaca kale, Shirweynaha 5-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya maanta uga furmay magaalladda Mosko, waxay Wasiiradda kaga wada hadli doonaan Xaalladaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee wax u dhimay Deganaanshaha Gobalka, Qaddiyadda Reer Falastiin, Xiisadda dalka Syria, Xaalladaha Yemen, Libiya iyo Dagaalka lagu jiro Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov ayaa furay Kulankaasi oo hal maalin socon doona, wuxuuna xusay inay Dowladiisa ka soo horjeedo Faragelinta Quwadaha Shisheeyaha ee arrimaha u gaarka ah dalalka Gobalka, isla markaana loo baahan yahay Deganaanshaha iyo in la bauuro Xaalladaha Horumarinta ee dalalka Gobalka iyo dhowrista Madax-bannanida dalalkaasi.
Sergei Lavarov waxa kale oo uu tilmaamay in Kulanka Xilligan ee Shirweynaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya uu noqonayo Wejiga Cusub ee Iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Carabta iyo Raashiya, isla markaana la rajeynayo Qorshaha Iskashigooda ee sannadaha soo socda.