Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay sannadkan 1446 Hijri ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha ugu adeegga wanaagsan ee daryeela xujeyda Soomaaliyeed, sida lagu caddeeyay abaalmarin rasmi ah oo la guddoonsiiyay dowladda.
Wasiir Roobow ayaa sheegay in guushan la taaban karo ay ka dhalatay dadaal mug leh oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta, iyadoo ay ka go’nayd kor u qaadidda adeegyada iyo daryeelka loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in kaalintan sare ay tahay mid muujinaysa isbeddelka dhabta ah ee ka socda maamulka iyo u adeegidda shacabka ee ku aaddan waajibaadka xajka.
“Waa sharaf weyn in Soomaaliya lagu aqoonsado mid ka mid ah dowladaha ugu wanaagsan ee xujeyda u adeega. Abaalmarintan waxay astaan u tahay dadaalka wadajirka ah ee dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Wasiir Roobow.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in abaalmarintan ay tahay mid guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u ah farxad iyo dhiirrigelin, maadaama dadaalkii loo galay sidii loo horumarin lahaa adeegyada Xajka uu miro dhal noqday.