Soomaaliya oo Dowladda Qatar kala hadashay Barnaamijka deyn Cafinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

” Waxa aan maanta magaalada Doha ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor