Soomaaliya oo Canada kala hadlaysa sidii ay gacan kaga gaysan lahayd Gurmadka Abaaraha

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha  Xildhibaan Cabdiraxaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay gaaray magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ergeyga oo dalka Canada ku tegey booqasho hawladeed maalmo qaadan doonta ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay kulamo la qaadanaya madax ka tirsan dawlada Canada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Ergeyga ayaa kala hadli doono dawlada Canada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen, gacana looga siin lahaa dawlada Soomaaliya la dagalaanka argagexisada Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor