Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa kulan muhiim ah oo looga hadlayay ciribtirka kooxda Al-Shabaab la qaatay Taliyaha Howlgalada Gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka, Colonel David Haskell. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa kooxdaas meelaha ay weli kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa kulankooda ku gorfeeyay in la xoojiyo howlgalada ka socda gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in gebi ahaanba Al-Shabaab laga ciribtiro. Sidoo kale, waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo sii wado taageerada militari ee Mareykanka si loo dardar-geliyo dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhinacyada howlgalada cirka iyo farsamada ciidan.
Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada muhiimka ah ee uu la garab taagan yahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in taageeradaasi ay tahay mid muhiim u ah guulaha laga gaarayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Dowlada Mareykanka, oo ka mid ah dowladaha ugu waaweyn ee taageera ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ayaa gacan ka geysanaysa howlgalada cirka ah iyo kuwa dhulka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee dalka ku sugan.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid kaalin weyn ka qaadanaya sare u qaadidda iskaashiga labada ciidan si loo gaaro yoolka ah in Al-Shabaab laga saaro dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.