• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, July 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Soomaaliya hadii AMISOM baxdo Al-Shabaab ayaa qabsanaya Warbixin Foreign policy”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 8, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hadalkaas waxaa lagu soo xigtay warbixin talaadadii lagu daabacay majaladda Foreign policy ee laga leeyahay Mareykanka oo si faahfaahsan loogu gorfeyay xaaladda Amniga Soomaaliya iyo beri-ka-maalin waxa uu noqonayo mustaqbalka wadanka marka ay baxaan xoogagga AMISOM.

Warbixinta waxaa lagu billaabay in xilli-howleedka AMISOM uu horraantii sannadkii 2007 ku billowday muddo lix bilood oo is-difaac ah, si ay uga hortagaan Al-Shabaab oo ka horjeedda dowladda Somaliya.  Inkastoo billowga uu ahaa howlgal nabad-ilaalin hadana waa la ballaariyay iyadoo ay hadda wadanka joogaan 22,000 oo ah askar ka socota dowladaha Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo  Djibouti. Amisom ayaana hogaamisa howlgallada nabad-raadinta ah iyo olalaha la-dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada tan iyo inta laga helayo ciidan qaran oo xoog leh oo isaga filan.

Gaashaanle Ugandese ah oo ka tirsan AMISOM ayey warbixintu ka soo xigatay “Soomaaliya waa sidii adigoo nadiifiniya Doofaar,-waad nadiifineysaa, wuuna wasakhoobayaa”. Waxa uu is feer dhigay Soomaaliya iyo Afghanistan. Waxa uu ku dooday haddii uu isbaheysiga NATO ka tago Afghanistan in ururka Taliban ay si fudud kula wareegayaan. –“Soomaaliyana waa sidaas oo kale”.

Haddii ay qiimeynta Gaashaanlaha sax tahay iyo haddii kaleba, kordhinta xilli-howleedka AMISOM iyo hubaal la’aanta waqtiga ay ka baxayaan Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqaya xaaladda calawsan ee ciidamada qaranka Soomaaliya.

“Ciidamada qaranka Soomaaliya, waxay noqon karaan kuwa  aad waxtar u leh”. ayuu yiri khabiir  ajnabi ah oo ka soo shaqeeyay in ka badan 20 wadan haatanna la-taliye u ah wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Majaladda Foreign policy oo soo xiganeysay La-taliye Wasaaradda gaashaandhigga Somaliya ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ciidamada Soomaaliyeed laga dhigi karo xoogag waxtar leh balse uusan suuragal ahayn habka hadda loo shaqeynayo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay la-taliyaha wasaaradda gashaandhigga Soomaaliya “waa sir shaacsan in xubno ka tirsan dowlada Somaliya iyo xattaa beesha caalamka ay kireystaan Al-shabab si ay u dilaan ama u cabsi-geliyaan kuwa siyaasadda kula loolama”-waxaa tusaalaha ugu fiican ah weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Hotel Dayax halkaasoo ay siyaasiyiin badan ku sugnaayeen.

“Wey adag tahay in jawaab waafi ah loo helo cidda hubka siisa ciidmaada qaranka Soomaaliya. Mareykanka, Ingiriiska iyo midowga yurub ma bixiyaan hubka wax laaya. Wadamada gacanka iyo Masar  ayaa ka iibiya ama siiya hubka iyaga oo diyaarado ama maraakiib iyo doonyo Muqdisho ku keenaya, balse halkii la keydin lahaa oo la gaarsiin lahaa talisyo-qeybeedyada waxaa loo gacangeliyaa qabaa’ilka ama suuqa madow ayaa lagu iibiyaa” ayey xustay warbixinta.

Warbixintu waxa ay soo xigatay Cabdi-casiis Cali Ibraahim ‘Xildhibaan’ afhayeen iyo la-taliye hore wasaaradda Amniga Soomaaliya oo leh “Shaki iigama jiro in Al-Shabaab ay ku dhexjiraan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dhex leeyihiin  ‘kula-jira kaala jirayaal’.

“Soomaalidu waxa ay dagaalka ku lumiyeen wax walba, duniduna waxa ay isku dayeysaa inay daboosho baahi walba si loo muujiyo in dowladahooda ay horumar sameynayaan; halka, [Saraakiisha dowladda Somaliya] ay si qarsoodi ah u taagerayaan Al-Shabab,”  sidaas waxaa yiri tababare ciidan oo email kula hadlay Majaladda Foreign policy, isagoo ku nuuxnuuxsaday in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan dooneyn in dhibaatada laga gudbo, oo ay kaliya ka fekerayaan in lacagaha ay sii socdaan.

Warbixnta ayaa lagu soo gunaanaday hadal uu yiri la-taliyaha wasaaradda gaashaandhigga Somaliya oo ahaa “Halkan hub waad ka iibsan kartaa” bulsho caalam ahaan ma aanan soo taageereeyn wax aan ahayn shabakado dambiileyaal ah”

Previous Post

Maydadka laba Nin Oromo ah oo laga helay Boosaaso

Next Post

Sawirro:-Baarlamaanka Jubbaland oo War ka soo saarey dagaal beeleed ka dhacay duleedka Kismaayo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00