Labo nin oo Somali ah oo ka soo ambabxay dalka Koonfurta Afrika ayaa lagu xiray Garoonka Calaamaiga Diyaaradaha ee JKIA ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay soo dacweeyeen Shaqaalaha Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Aiways.
Carabow Muuse Xasan iyo Maxamed Jaamac Maxamed ayaa la xiray, isla markii ay ka soo degeen Diyaarad Kenya Airways oo ka timid dalka Koonfur Afrika.
Labada qof ayaa lagu soo oogay inay ku xad-gudbeen Sharciga Duullimaadka Rayidka, kadib, markii ay Sigaar ku dhex cabeen labo dhacdo intii ay Diyaaradda hawada ku soo jirtay.
Duulliyayaasha ayaa dareemay Dhawaaqa Digninta Dab, waxayna markii dambe ogaadeen inuu qiiqu ahaa Sigaar lagu dhex cabayey Diyaaradda.
Hadal ka soo baxay Boliska Garoonka JKIA ayaa lagu sheegay in Carabow Muuse Xasan iyo Maxamed Jaamac Maxamed lagu soo oogi doono inay Sigaar ku dhex cabeen Diiyaaradda, kuna xad-gudbeen Sharciga Duullimaadka Rayidka, gaar ahaan Qoddobkiisa 59-aad, Farqadiisa 1-aad iyo 3-aad.
Eedeysanayaasha ayaa la filayaa in la soo taago Maxkamad, laguna qaado Dembiyadda lagu soo oogay.
Carabow Muuse Xasan iyo Maxamed Jaamac Maxamed ayaa la sheegay inay Transit ahaan u so omareen Kenya, iyagoo ku soo wajahnaa magaalladda Muqdisho oo ay Qoysasku deggan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, Dhoofayaasha Diyaaradaha ayaa waxaa guud ahaan ka mamnuuc ah inay Sigaar ama Balwad kale ku dhex cabaan muddada Duullimaadka ee ay Diyaaradahu hawada ku jiraan, si looga badbaado caafimaad-darro iyo inuu dab kaco.
©Radio Dalsan