Soomaaliland oo xukun ku riday Wadaad Caanka ah & Dhalinyaro la socotay

Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunni) oo ka mid ah Wadaada Caanka ka ah deegaanada Soomaaliland.

Sheekha ayaa Sanadkii 2017,waxaa Xabsiga dhigay ciidamada Booliska Soomaaliland,isaga iyo 7 dhalinyaro ah,iyada oo lagu eedeeyey falal la xiriiria argagaxisanimo iyo kicin dadweyne ka dib khudbad uu ka jeediyey mid ka mid ah Masaajidyada Waaweyn ee Magalada Hargeysa.

Maxkamada Hargeysa ayaa ugu dambeyn Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sunni) waxa ay ku xukuntay xabsi muddo 5-sano ah halka 7 dhalinyarada kale ahaa ee horay loola xirey lagu xukumay Xabsi u dhaxeeya 1-9 Sanno.

Soomaaliland ayaa waxaa ay horey xukuno u badan xabsi ku riday,Siyaasiyiin,Odayaal iyo Wariyeyaal wallow intooda badan lagu siidaayey cafis madaxweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor