Soomaaliland oo shuruud ku xirtay wadahadallo ay la gasho Soomaaliya

Soomaaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ahaa in ay wadahadallo la furayaan Soomaaliland,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaansna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo.

Su’aal ay BBC-du waydiisay Wasiir, Sacad Cali Shire oo ahayd waxa hortaagan in wadahadalku uu ka dhaco Hagaysa ama Mudisho, ayuu kaga jawaabay in arrintaasi ay ka horrayso in la is ictiraafo oo Somaliland la aqoonsado balse inta ka horraysana ay noqonayso in meelo kale oo markhaatiyaal leh lagu wadahadlo.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo weli aaminsan in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012- ku shiray dalalka dibadda ilaa sideed jeer oo kala duwan balse aanay kasoo bixin heshiisyo meel mar ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor