Soomaaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ee ahaa in rajo laga qabo in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargeysa Madaxweyne Muuse Biixina uu yimaado Magalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali shiro oo wax laga weydiiyey hadalkaas ayaa sheegay in dadlka Geeska Afrika wadamo ku yaalla oo mudo xiriirkooda xumaa ay heshiiyeen balse taas ay ka duwan tahay waxa ay isku-hayaan Soomaaliya.
“Runtii wadamada geeska afrika ee heshiiyey waan la soconaa oo safarada is-dhaafsaday laakin anaga weynu ka duwanahay oo manihin kuwo is aqoonsan markaan is aqoonsanno ayay dhici doontaa taas ayuu yiri Wasiirka.
Ra’iisul WAsaare Ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dhawaan sheegay in la bilaabi doono wadahadalada Soomaliya iyo Soomaaliland,isla markaana uu rajeynayo in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargeysa Madaxweyne Muuse Biixina uu yimaado Magalada Muqdisho.