HomeWararSoomaaliland Mamnuucday Bandhig Faneedyada Maalmaha Ciidda

Soomaaliland Mamnuucday Bandhig Faneedyada Maalmaha Ciidda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta maamulka Soomaliland Sheekh Khaliil Cadullaahi Axmed ayaa sheegay in aysan jirin wax bandhig faneed ah oo lagu qabanayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland iyo guud ahanba degaanada Maamulkaas. Waxaa uu sheegay in sanadahan danbe ay soo badanayaan Bandhig faneedyada  lagu soo bandhigo degaanada Soomaaliland, waxaana uu sheegay in ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta maamulka Soomaliland Sheekh Khaliil Cadullaahi Axmed ayaa sheegay in aysan jirin wax bandhig faneed ah oo lagu qabanayo Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland iyo guud ahanba degaanada Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in sanadahan danbe ay soo badanayaan Bandhig faneedyada  lagu soo bandhigo degaanada Soomaaliland, waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwa ka fog dhaqanka Soomaalida qaabka ay u qabtaan bandhigyadaas.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sheekh Khaliil in uu jiro caabuqa Covid19 oo bulshadu ay hadda la dhibaatoonayaan, Booliska Soomaliland ayuu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan sidii loo joojin lahaa goobaha  lagu qabanayo bandhigyada.

Waxaa uu sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan qof waliba oo ku xadgudbo amarkooda, waxaana uu uga digay fannaaniinta iyo dadka iska leh goobaha lagu qabto bandigyada heesaha in ay ku dhaqaaqaan tallaabo ah in ay qabtaan heesahan loogu dabbaal dagayo maalmaha Ciidda.

Sanad waliba xiliyada Ciidaha ayaa waxaa degaanada Somaliland lagu qabtaa bandhig faneedyo kala duwan waxaana ka qayb qaata fannaaniinta ugu cansan degaanada Maamulkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts