HomeWararSoomaalida Kenya ee ku biirayo Kooxda Daacish oo sii kordhaya

Soomaalida Kenya ee ku biirayo Kooxda Daacish oo sii kordhaya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo ay Warbaahinta Kenya shaaciyeen inay Labo gabdho oo Somali Kenyan ah gaareen gudaha dalka Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Daacish, ayaa waxaa soo if baxay in Wiil Somali Kenyan ah uu isagana ka barbar dagaalamayo Kooxda Daacish ama Dowladda Islaamka ee IS. Abdihakim Abdisamad oo  Culuunta Sharciga ka baran jirey Jaamacadda Kenyatta University ee magaalladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Warbaahinta Kenya shaaciyeen inay Labo gabdho oo Somali Kenyan ah gaareen gudaha dalka Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Daacish, ayaa waxaa soo if baxay in Wiil Somali Kenyan ah uu isagana ka barbar dagaalamayo Kooxda Daacish ama Dowladda Islaamka ee IS.

Abdihakim Abdisamad oo  Culuunta Sharciga ka baran jirey Jaamacadda Kenyatta University ee magaalladda Nairobi ayaa la xaqiijiyey inuu bishii hore u dhoofay dalka Syria, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Daacish.

- Advertisement -

Nin ay ehel yihiin Abdihakim Abdisamad oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Wargeyska the Standard inay ku guul-daraysteen inay ogaadaan bixitaankiisa, inkastoo uu labo isbuuc kadib la soo hadlay Ehelkiisa.

Waxa uu tilmaamay inay Boliska u gudbiyeen Nambarka Telefoonka uu kala hadlay, balse Boliska wey awoodi waayeen inay ogaadaan halka uu si dhab ahaan ugu sugan yahay.

Qoyska Abdihakim Abdisamad ayaa sheegay inuu u ballanqaaday inuu dib u  soo laaban doono bishan May Kowdeedii, balse uusan weli soo laabanin.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Labo gabdho oo ka so ojeeda Somaalida Kenya ayaa iyagana la xaqiijiyey inay ku sugan yihiin dalka Syria, kuna biireen Kooxda Daacish.

Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Salwa Abdalla iyo Tawfiiqa Dahir ayaa la sheegay in ay ka so ohadleen gudaha dalka Syria, inkastoo ay Waalidkooda ka argagaxeen, markii ay maqleen warkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts