Soomaali kunool Dal ku yaalla Yurub oo si weyn ugu dhex faafay COVID-19

Shabakadda Wararka ee helsinkitimes.fi ayaa qortay warbixin ku aadan in Cudurka halista ah ee Coronavirus uu si xowli ah ugu dhex faafayo dadka Soomaalida ah ee kunool Magaalada Helsinki ee Caasimadda dalka Finland.

Duqa Magaalada Helsinki Jan Vapaavuori ayaa waxaa uu sheegay in dad ku dhow 200 oo ruux oo Soomaali ah laga helay Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay Xarumo gooni ah oo loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Sidoo kale Jan Vapaavuori ayaa sheegay inay wadaan dadaalo xoogan oo looga hortegayo faafida aadka ee Cudurka ku sameeynayo dadka Soomaalida ah ee halkaas kunool, wuxuuna tilmaamay inay wada-hadal la leeyihiin Naadiga Soomaalida Finland.

“Tani waxay kaloo noqon doontaa Codsi La-iskaashi ee dhamaan Gobalka Caasimadda, xilli ay xaalladda u muuqanin inay ku xadidnaan doonto Helsinki” ayuu yiri Duqa Magaalada Helsinki ee Finland

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Magaalada Helsinki ayaa waxaa uu xusay in Maamuliisa i iyo HUS mar hore is-dhaafsadeen Warbixino ku aadan sidii looga hortegi lahaa faafida Cudurka, isagoo dadka Soomaalid ah ugu baaqay in ay joojiyaan isugu imaatinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media