Soomaali ku dhimatay dab ka kacay Magaaalada Lyon ee dalka Faransiiska

Dabkii ka kacay dhisme ku yaalla degmada Vaulx-en-Velin ee u dhow magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, ee ay ku dhinteen 10-ka qof, ayaa haatan waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah oo sheegaya in qoys Soomaali ah ay dad kaga dhinteen.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in ay dabkaasi ku dhinteen ilaa 6 ruux oo Soomaali ah, waxaana ay sababsadeen dabkaasi xoogganaa ee ka kacay magaalada Lyon.

Lixda qof ee dabkaasi ku geeriyooday ayaa kala ahaa hooyo iyo shan caruur ah, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay dabkaasi

Xeer ilaalinta ayaa baaris ku haysa kiiskan, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dabkani aanu u billaabmin si kama’ ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor