Soomaali Kenyan loo xir xiray falkii lagu afduubtay Haweeney u dhalatay Talyaaniga

Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Baarayaasha Boliska xog-wareysi la leeyihiin 3 qof oo lala xiriirinayo Hawlgalkii bishii hore lagu afduubtay Muwaadinad u dhalatay Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Romano.

Boliska waxay shalay Maxkamadda hor geeyeen Eedeysanayaasha kala ah Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno.

Garsooraha Maxkamadda magaalladda Malindi, Julie Oseko waxay oggolaatay  Codsi ay Baarayaasha ku doonayeen in loo oggolaado in ay Eedeysanayaasha sii hayaan ilaa bishan December 14-da, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaankooda.

Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogi doonaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-dii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor