SOMTEL oo dabooshay baahida Internet la’aanta ka jirta Koonfurta Soomaaliya  

Waxaa weli cilad ay ka jirtaa Khadka Internet-ka ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo saakay dadka kunool Koonfurta ay kusoo waaberiisteen Cilad heysata Adeega Internet-ka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha sida dareemay cilada ku timid Adeega Internet-ka, hayeeshee Shirkadda SOMTEL ayaa Maanta dabooshay baahida Internet la’aanta jirtay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Sare Shirkadda SOMTEL ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta ay dabooleen baahida Internet la’aanta jirta Koonfurta dalka Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u yihiin inay bulshada haqibtiraan.

Sidoo kale War-saxaafadeedka Shirkadda ayaa lagu sheegay in SOMTEL iyo Djibouti Telecom ay si wadajir ah u maal-geliyeen Mashruuca Khadka labaad ee Xarrigga Fiber Optic oo laga howl-geliyay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Siihayaha Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Xukuumadda Eng. Cabdi Canshuur Xasan uga mahadceliyay Shirkadda SOMTEL oo si deg-deg uga jawaabtey baaq horey uga soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad Internet-ka Muqdisho.

 Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Shirkadda SOMTEL.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media