Somaliland oo War kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Xarumo ku yaalla Sacuudiga

Maamulka Somaliland ayaa Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday 2-xarumood oo laga soo saaro saliidda Shidaalka oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Somaliland oo ku qornaa luuqada Carabiga ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland aad uga xun tahay weerarkii dhawaan loo geystay xarumaha saliidda Shidaalka ku yaalla dalka Sacuudiga.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in ay barbar taagan tahay dawladda iyo shacabka Sacuudiga iyadoo weerarkaasi ku tilmaantay mid Argagaxiso ah.

Weerarkii lagu qaaday 2-xarumood oo laga soo saaro saliidda Shidaalka eeku yaall Sacuudiga ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegatay Xuutiyiinta Yemen.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media