Somaliland oo war kasoo saartay shaqaaqadii ka dhacday Hargeysa iyo Wariyeyaal jeel ka loo taxaabay

Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Somaliland oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada asluubta ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in wax dhibaato ah oo wayni aysan ka dhicin xabsiga weyn ee Hargeysa.

Taliyaha ciidanka asluubta ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd shaqaaqo ka dhex dhacday maxaabiista oo aysan jirin maxaabiis hub iyo rasaas ku dhex haystay jeelka isla markaana aysan jirin maxaabiis jeelka ka baxsatay.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dhaawac fududi uu soo gaaray labo askari oo ka tirsan ciidanka asluubta isla markaana uusan jirin khasaare intaas dhaafsiisan oo jeelka ka dhacay.

Wasiirka cadaallada ayaa sheegay in shaqaaqadii maxaabiista dhexdeeda ka dhex dhacday la xakameeyey oo si buuxda ay ciidamadu gacanta ugu hayaan ammaanka jeelka.

Dhanka kale suxufiyiin ka hawgala Hargeysa ayaa laga xirxiray afaafka hore ee jeelka ka dib markii ay toos u soo tabiyeeen wixii halkaa ka socday.

Wasiirka oo saxaafadda madaxa bannaan la hadlay ayaa yiri “Saxaafadda Madax banaan waxa aan u sheegaynaa in ay hubiyaan Wararka ay baahinayaan hayskana ilaaliyaan Deg Dega Bulshaddana haw sheegaan Warar Run ah hufan. Bulshadda Reer Somaliland waxaan u sheegaynaa wax wayn oo halkaas ka dhacay ma jirto. Aynu meel uga soo wada jeedsano Dadka warar ka Borobogaandada ah Bulshadda iyo suuqa ku baahinaya”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor