Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka Saaka ka qarxay Magaalada Laascaanood uu yahay mid lagu soo qaaday fariisimo ay Ciidamadeedu ku leeyihiin Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu faah faahiyay dagaalkaasi ka socda Laascaanood.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEDKA KASOO BAXAY SOMALILAND:

Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada iyo Xarunta Golaha Wasiirada.
Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.
 
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.
 
Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.
 
Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka diyaar u yihiin is difaac.
 
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor