Somaliland oo Uganda ka codsatay Ictiraaf iyo inay Qunsuliyad ka furtaan Kampala

27-kii sanno ee la soo dhaafay waxay Maamulayaasha Somaliland ee W/Galbeed Somalia xusul-duub ugu jiraan inay Dowladaha Caalamka ka helaan Ictiraaf Dowladnimo, inkastoo aysan weli jirin Dowlad u aqoonsata dal  ka madax-bannaan Qaranka Jamhuuriyadda Somalia.

Haatan, Maamulayaasha Somaliland waxay ka codsadeen Dowladda Uganda Ictiraafaan iyo in ay Qunsuliyad ka furtaan Caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Wakiilka Somaliland u jooga Kampala, Mustafa Cawil oo Axaddii la soo dhaafay ka qeyb galay Munaasabad ay Mujtamaca Reer Somaliland ee ku nool dalka Uganda ugu dabaaldegayeen 27-guuradii ka soo wareegtaay Gooni-isku-taaga Somaliland

Mar uu ka hadlayey Munaasabadaasi waxa uu sheegay inay doonayaan inay Qunsuliyad ku yeeshaan Kampala, si loo fududeeyo Dhaqdhaqaaqa dadka reer Somaliland ee imaanaya Uganda, gaar ahaan Ardayda.

“Waxaan ku raaxaysanaa Xiriirka Diplomaasiyadeed ee aynu la leenahay Dalalka ay ka mid yihiin Jabuuti, Ethiopia, Britain iyo kuwa Midowga Europe. Waxaan ka codsanaynaa Uganda inay na ictiraafaan, waxaana ka war sugaynaa inay naga aqbalaan” ayuu yiri Wakiilka Somaliland u jooga Kampala, Mustafa Cawil.

Waxa uu  intaasi ku daray inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Uganda u direen Qoraal ku aadan Ictiraafka Somaliland, balse Dowladda Uganda ayaan xaqiijinin inuu Codsigaasi soo gaaray iyo in kale.

Dhinaca kale,  Haweeneyda Madaxda ka ah Waaxda Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Uganda, Margaret Kafeero oo la hadashay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegtay inaysan ogayn Qoraalka Codsiga Ictiraafka Somaliland balse ay fiicnaan lahayd haddii ay qoraalkaasi helaan.

Waxay sheegtay inay jiraan Kooxo badan ama Mujtamacyada Caalamka oo Dowladda Uganda u soo qorta codsiyo ay ku doonayaan Ictiraaf Siyaasadeed, mana laga reebi karo Somaliland.

Haweeneydaas u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Uganda waaxay kaloo carrabka ku dhufatay inaysan Uganda aqoonsanayn Baasaboorka ay Somaliland samaysatay.

Qaar ka mid ah Ardayda Somaliland ee wax ka barata dalka Uganda ayaa u sheegay Wargeyska The Observer si ay u yimaadaan Uganda  inay marka hore tagaan Caasimadda dalka Somalia ee Mogadishu, halkaasi oo ay ka qaataan Baasaboorka Jamhuuriyadda Somalia, kadibna ay codsadaan Fiisaha Dal-ku-galka ee Uganda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media