Somaliland oo shaacisay kiisas cusub oo Cudurka COVID 19

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo la xiriira xanuunka Coronavirus ee gudaha Somaliland. 

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa Wasaaradda caafimaadku sheegtay in baaritaan lagu sameeyay  32 dhamaantoodna laga helay,21 qof waa rag, 11 qofna waa dumar.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Soomaaliland ay gaartay 257 Ruux, 28 Ruux ay ka bogsoodeen halka 18 qof ay u geeriyoodeen,iyada oo wasaaradu sheegtay in Weli loo baahanyahay taxadar dheeraad ah.

Comments
Loading...