Somaliland oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Guddiga ka hortaga iyo xakamaynta fayruska Corona u qaabilsan deegaanada maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyay kiisas cusub oo la xiriira cudurkaa oo adduunka dhibaato ba’an ku haya.

Qoraal ay soo saareen guddiga COVID 19 ayay ku sheegeen in 24-kii saac ee lasoo dhaafay baaritaano lagu sameeyay 75 ruux hase’ahaatee xanuunkaan laga helay 28-qof 21 ka mid ah ayaa joga magaalada Hargeysa halka Boorama 6 qof laga helay iyo  hal qof oo jooga Magaalada Gibileeysida guddigu ay shaaciyeen.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka covid 19 ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa ah 332 Ruux 43 Qof ay ka bogsatay  iyada oo 22 Ruux ay u geeriyoodeen,guddiga ayaana faray dadka in weli ay ka fogaadaan goobaha la iskugu tao.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media