Somaliland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Nin Aabihiis Dil u geystay

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa Maanta gacanta ku soo dhigay Eedaysane Ciise Maxamed Yuusuf.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in Eedaysanahan uu ku eedaysan yahay in uu dil u geystay Aabihii oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Aadan 1/5/2023

Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa hawlagl ku baadi goobaayay tan iyo maalinkii uu dilka gaystay Eedaysanaha, waxayna ugu dambayn ka soo qabteen Magaalada Wajaale.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Ugu dambayn Ciidanka Booliska ayaa shacabka Somaliland guud ahaantood  ku boggaadiyay kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor