Somaliland oo Maanta shaacisay dad qaba COVID 19

Wasaaradda caafimaadka maamulka Soomaaliland ayaa maanta soo saartay warbixin cusub oo la xiriirta cudurka Coronavirus iyo baaritaanadii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in xanuunka Covid 19 laga baaray 33-ruux isla markaana laga helay xanuunka 4-qof oo kaliya, 2 qof waxa ay u dhasheen Somaliland iyo 2 qof oo ajaanib ah,iyada oo Bukaanada dhamaan ay rag yihiin.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:
(20jir ilaa 29jir = 1 qof)
(30jir ilaa 39jir = 2 qof)
(40jir ilaa 49jir = 1 qof)
Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 2 qof iyo Berbera oo ah 2 qof

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in 33-da qof shaybaadhkooda ay kala sameeyeen xarunta dhexe ee shaybaadhka qaranka ee magaalada Hargeisa iyo Shaybaadhka dhawaanta la rakibay ee magaalada Burco.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media