Somaliland ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay dalka Shiinaha, heshiiskaas oo ku saabsan iskaashi u dhexeeya labada dhinac, waxaana Magalada hargeysa ee xarunta Somaliland ku sugnaa seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay wafdi ka socda Shiinaha.
Wafdiga Shiinaha ayaa waxa hoggaaminayay Wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa Ambassador Zhou Yuxiao, waxaana Madaxtooyada Somaliland kusoo dhaweeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Somaliland oo war kasoo saartay kulanka oo Hargeysa kusoo gaba-gaboobay ayaa sheegtay in labada dhinaca ayn ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqalaha, Ganacsiga iyo Horumarka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ay Shiinaha iyo Somaliland ka wada hadleen xoojinta xariirka u dhexeeya Dowladda Shiinaha iyo Xukuumadda Soomaliland.
Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweyday xiriirka cusb ee ay yeelanayaan labada dhinac, waxaa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqaynta, ayna waddamada caalamka kula dhaqmayaan siyaasad ku dhisan fur-furnaan.
Wafdiga ka socda Shiinaha ayaa maal-mahan ku sugnaa Somaliland iyagoo madaxweynaha la yeelanayay kulamo, waxaana la sheegay in ay kala hadleen arrimo dhowr ah, balse wararka qaar ayaa sheegay in Somaliland lagu cadaadinayo sidii ay xiriirka ugu jari laahyd Taiwan oo ay dhawaan ku dhaqaaqday Somaliland in ay xiriir cusub la yeelatay, inkastoo ay sheegeen in arrimaha laga wada hadlay aysan ku jirin xiriirka Somaliland iyo Taiwan.